Dhageyso:-Ciidamada Degmada Xudur ee Xaruunta gobalka bakool oo si isxilqaan ah ku bilaaway dhisida maxkamda gobalka bakool.

0
321

 

Degmada Xudur ee Xarunta gobalka ayaa waxaa bilowdey  dhismaha maxkamada waxaana si isxilqaan ah u bilaawey ciidamo dhowaan tawabar loo soo xirey oo qeyb ka ah ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ayigoo gebi ahaanba geedaha iyo qashinka ka nadiifiyeen goobta ay ku taaley maxakamada degmada xudur  ee gobolka bakool

Gudoomiyaha gudiga isxilqaan dhismaha xarunta maxkamada degmada xudur cumar abdulaahi maxamuud iyo gudoomiyaha maxakamada racfaanka sheekh isaaq abdi ahna xubin ka tirsan gudiga isxilqaan ayaa bulshada uga baqeen in ay xoog iyo xoolaba ay uga qeyb qataan dhismaha xarunta maxakamada degmada xudur

Dhanka kale Ali Ali waxaa uu ka mid yahay taliyaasha ciidamada xooga dalka oo si isxilqaan uga qeyb qaadanayey goobta lagu dhisaayo xarunta  maxakamada  degmada xudur waxaa uu sheegey in uu ku faraxsanyahay in uu ka qeyb qaato maadama uu ka mid  kooxda uga horey ee ka qeyb qaadata dhimahaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here