Dhageyso:-Deegaanka caato oo katirsan gobolka bakool oo ka dilaacey shubin biyood

0
324

Ilaa 7 caruur ah ayaa la sheegayaa in cuddurka shuban biyoodka uga

dhinteen deegaanka caato oo ka tirsan gobolka abakool mudo 48

saacadood gudohood waxana dhimashada 7 caruur ah inoo xaqiijiyey

Guddoomiyaha Deegaanka Caato Dubad Xasan Cali oo wareysi

dhanka khadka telefoonka ah kula yeelanay isagoo ku sugan

deegaanka caato ee gobolka abakool.

dhinackale kusimaha guddoomiyaha gobolka abakool Cabdullaahi

Maxamed Nuur (Snake) ayaan ka wareystay xaalada guud ee gobolka

bakool iyo shuban biyoodka ka dilaacay deegaanka caato iyo

toolooyin kale oo hoosyimaada, guddoomiyaha ayaa isna sheegey in

ay jiraan dad u dhintay iyo dad badan oo uu soo ritey wuxuna baaq u

diray Dowlada fedraalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedka Koofur

Galbeed gaar ahaan wasaaradaha ay khuseyso iyo hay'adaha

samafalka oo caafimaad iyo bani'aadanimada ka shaqeeya in ay u

soo gurmadaan dadkaan oo markii horeba go'doon ku jirey haatana

uu ka dilaacay xanuunka cuddurka shuban biyoodka.

Halkan Hoose Ka Dhageyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here