SAWIRO:- Maamulka Degmada Baydhabo Oo Bulshada Ugu Baaqay In ay Kala Shaqeyaan Hormarada Degmada Baydhabo.

0
343

Gadoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo Ahna Duqa Magaaladda Mudane Xasan Macalin Axmed Biikole ayaa waxaa maanta Tababar Usoo xirey Shaqaalaha Maamulka Dowladaha hoose ee Degmada Baydhabo si aqoontooda kor loogu qaado, waxaana sidoo kale muhiimada tababarkaani uu yahay si ay wadda shaqeyn wanaagsan u dhaxmari laheyd shacabka Magalada Baydhabo Iyo Shaqaalaha Dowlada Hoose Ee Degmada Baydhabo.
Tabarkan ayaa waxaa uu socon doona mudada Afar Maalin ah, waxaana Shaqaalaha Maamulka Dowladaha hoose ee degmada Baydhabo Tabarka Oo lagu Baranaayey Maareynta Xafiisiyada Degmada ayaa waxaa Soo Qaban Qaabisey Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Duqa Magaalada Baydhabo Mudane Xasan Macalin Axmed (Biikole) Oo Ka hadley Xiritaanka Tababarka ayaa waxaa Uu Sharaxey Muhiimada Tabarkan Shaqaalaha Degmada Baydhabo uu uleeyahay waxaana uu La dardaaramey Dhamaan Shaqaalaha Degmada oo Tabarkan ka faa’iideysatey.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu shaqaalaha dowlaha hoose usheegay inay yihiin dadka madaxooda shaqaalaha ay ku yihiin shacabka ay matalaan ama ay u shaqeyaan.
Gudoomiye Biikoole ayaa ugu dambeyntii ladardaaramay dhamaan shacabka ku nool Magalada Baydhabo Janaay In ay lashaqeyaan Maamulka Iyo Kuxigeenadiisa si loo gaaro horumaro, waxaana uu ku dheeradey in loo baahan yahay in la iskula shaqeeyo dhismaha waddooyinka Baydhabo Iyo hormarinta goobaha kale ee loogu adeego bulshada Magalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here