Saaxiibaddii hore ee Cristiano Ronaldo oo gacanta u gashay laacib ka ciyaara horyaalka Serie A

0
349

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Desiree Cordero waa gabar model ah oo u dhalatay dalka Spain, si dhowna u xiiseysa kubadda cagta.

Gabadhan ayaa sanadkii 2014 ku guuleysatay gabadha ugu qurxoon dalkeeda, waxaana loo caleemo-saaray Miss Spain.

Inkastoo ay ku nooshahay xilligan magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, waxay hadda xiriir haasaawe la wadaageysaa laacibka u ciyaara Kooxda Lazio ee Joaquin Correa.

Balse inta aysan xiriirka la yeellan 24-jirka khadka dhexe ka ciyaara, waxay xiriir caan ahaa la yeelatay laacibka Juventus ee Cristiano Ronaldo sanadkii 2016 xilligaas oo uu ka tirsanaa Real Madrid.

Waxaa si qarsoodi ah gabadhan, iyadoo ku sugan guri raaxo oo uu hore u degnaan jiray Correa oo ku yaalla duleedka caasimadda Spain ee Madrid, waxaana la soo wariyay in xiriirkooda uu ka bilawday farriin ay isku weedaarsadeen barta Instagram-ka.

Waxaa sidoo kale la soo warinayaa in labo bilood ay wada haasaawayeen ka hor inta aysan ka bixin xiriirkii ay la lahayd Ronaldo.

Balse Flash Vidas oo ka soo baxda Spain waxay tilmaameysaa in kabtanka Portugal uu u jaray xiriirka gabadhan, maadaama ay ahayd mid magac doon ah, oo damacsan in magaceeda uu kasii sare maro halka uu hadda joogo.

Si kastaba ha ahaatee, kubbad sameeyaha Lazio oo aysan u muuqan arrintaas ayaa xiriir la lahaa gabadhan tan iyo bishii Maarso 2018.

Cordero oo hadda ah 25-sano jir ayaa bilawday xirfaddeeda model-ka iyadoo dhallinyaro ah oo jirta 17 sano, waxaana bandhiggeedii ugu horreeyay ee fashion-ka ay ku qabatay magaalada Istanbul ee caasimadda u ah dalka Turkiga.

Laakiin 2014 ayay ku guuleysatay gabadha ugu qurxoon Spain, wixii markaas ka dambeeyayna sare u kac muuqdo ayay nolosheeda sameyneysay.

Waxaa xusid mudan isla sanadkaas inay u tartantay gabadha adduunka ugu qorxoon (Miss Universe), waxaana tartan lagu qabtay Las Vegas ay ka mid noqotay 10-ka sare.

Cinwaanno badan ayay ka sameysay majalada ciyaarta kubadda cagta ka faallooda, maadaama ay xiriirro la sameysay ciyaartoy kubadda cagta ciyaara.

Kaddib Ronaldo iyo Correa, waxay sidoo kale xiriir-wadaag la noqotay Enzo Renella oo u ciyaari jiray Real Betis.

Xitaa ma aysan dhaafin carruurta ciyaartoyda, waxaana ay la haasaawday Alvaro Ruiz oo uu dhalay halyeyga Real Madrid ee Fernando Hierro.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here