Del Piero oo farriin digniin ah u diray Paulo Dybala

0
813

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Halyeeyga kooxda kubadda cagta Juventus ee Alessandro Del Piero ayaa ammaanay awooda ciyaareed ee Paulo Dybala, isagoo dhinaca kale xusay waxa uu u baahan yahay inta uu ku gudi jiro xirfadiisa kubadda cagta.

Wargeyska “La Gazzetta dello Sport” ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareyis uu bixiyay Alessandro Del Piero, wuxuuna yiri:

“Goolka uu Paulo Dybala ka dhaliyay Inter waxa uu cadeynayaa inuu yahay ciyaaryahan tayo fiican leh.”

Del Piero compie 45 anni, Dybala gli fa gli auguri: Sei un numero ...

“Goolkaas waa inuu Paulo Dybala siiyaa kalsooni dheeraad ah iyo inuu ka war qabo awoodiisa ciyaareed”.

“Waxba kuma heli doontid si bilaash ah, gaar ahaan Juve, taas waxaan ku iri iyada oo loo marayo waayo-aragnimo, waa inaad had iyo jeer cadeysaa awoodahaaga, sida dhacday kulankii ugu dambeeyay”.

“Safarka Paulo Dybala hadda ayuu bilaawday, wuxuuna sameyn doonaa horumar, inta uu xiran yahay maaliyada Bianconeri.”

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here