RW Kheyre Oo Xariga Ka Jaray Ceel-Biyood Laga Hirgeliyay Duleedka Baydhabo.

0
436

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo weli ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa Maanta si rasmi ah xariga uga jaray Ceel Biyood Cusub oo laga dhigay duleedka Magaalada Baydhabo.

Munaasabadda uu Ra’iisul Wasaare Kheyre Xariga uga jaray Ceel Biloodka Cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen,Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka.

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu sheegay in Ceel Biyoodka laga Hirgeliyey Duleedka Magaalada Baydhabo ay ka faa’iideysan doonaan Bulshada kunool halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here