Neymar & Mbappe oo hoggaaminaya xiddigaha ay Kooxda PSG u xulatay kulanka Champions League ee Dortmund

0
278

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Neymar & Mbappe ayaa hoggaaminaya liiska xiddigaha kooxda PSG ee kulanka Champions League uga qeyb galaya ciyaarta Dortmund.

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa ku dhawaaqday 21-ka ciyaaryahan ee ay ku wajahayaan Dortmund kulankooda Champions League ee isbuucaan, iyadoo ay ku jiraan Neymar & Mbappe, waxaana ka maqan Paredes.

Though Tuchel ayaa shaki geliyey awoodda uu Neymar ugu ciyaari karo PSG kulanka Dortmund, laakiin haatan weeraryahanka reer Brazil ayaa ku jira shaxdan.

Sidoo kale Kimpembe kaasoo ka maqnaa kulankii PSG ee Ligue 1 oo ay wajaheen Amiens ayaa ku jira liiskan, laakiin waxaan qeyb ka ahayn Paredes iyo Diallo.

SHAXDA KOOXDA PSG OO DHAMMAYSTIRAN:-

Goolhayeyaasha: Navas, Rico, Bulka;

Daafacyada: Meunier, Kurzawa, Bernat, Kehrer, Kimpembe, Thiago Silva, Marquinhos; Kouassi,

Khadka Dhexe: Herrera, Draxler, Verratti, Gueye, Sarabia, Di Maria

Weerarka: Mbappe, Icardi, Cavani, Neymar.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here