Maamulka horyaalka La Liga oo ka jawaabay codsigii ay Barcelona ku doonaysay inay kula soo wareegto bedelka Dembele

0
257

Baydhabo(Radio Arlaadi)- War goordhow soo dhacay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in kooxda Barcelona ay jawaab ka heshay maamulka La Liga, kaasoo ku addaan inay la soo wareegi karaan bedelka Dembele.

Kooxda Barcelona ayaa ogolaansho loo siiyey inay la soo saxiixdaan bedelka Ousmane Dembele kaasoo dhaawac muddo dheer ah kaga maqnaanaya naadiga, waxaana ay warkaas farxadda  ah ka heleen maamulka La Liga.

Dembele, kaasoo dhaawac muruqa ah uu ku soo noq noqday ayaa hadda garoomada lix bilood kaga maqnaanaya qalliin looga sameeyey bowdada midig.

Xeerka La Liga ayaa dhigaya in ciyaaryahanka haddii uu ugu yaraan muddo shan bilood ah dhaawac la maqnaado ay kooxdu weydiinsan karto maamulka in ogolaansho loo siiyo inay la soo saxiixato bedelka weeraryahankaas xitaa haddii uu xiran yahay suuqa kala iibsiga xiddigaha, laakiin kaliya waxa uu kooxda u ciyaari karaa horyaalka La Liga.

Dhowr weeraryahan oo kala duwan ayaa kooxda Barcelona la la xiriirinayaa haatan, laakiin kaliya hadda waxa ay go’aansan doonaan midka ay la soo saxiixanayaan oo ay ku buuxinayaan booska uu ka maqan yahay Ousmane Dembele.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here