Man United Oo Wadahdalo Kula Jirta Christian Eriksen, Xilliga La Dhameyn Doono Heshiiskiisa & Qiimaha Ay Ka Bixinayaan.

0
411

Man United ayaa lagu soo warramayaa iney wadahadalo kula jirto kubad sameeyaha Tottenham Hotspur Christian Eriksen, waxeyna damacsan tahay iney xiddigaan heerka caalami bisha January keento garoonka Old Trafford.

Eriksen wuxuu ku jiraa sanadkiisii ugu dambeeyay qandaraaskiisa Spurs, si xor ah ayuuna kaga tagi karaa marka uu fasalkaan dhamaad, balse waxaa lala xiriirinayaa Real Madrid oo qudheeda baahi dhanka khadka dhexe ah sheeganeysa.

Warbixintii ugu dambeysay ee laga helo Ingiriiska waxey sheegeysaa in xiddigaan reer Denmark uu ka daalay sugitaanka Real Madrid, wuxuuna markaan go’aansaday inuu wadahdalo la furo Man United oo qudheeda baahi dhanka khadka dhexe ah tabaneysa.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa u baahan inuu xoojiyo kooxdiisa, 27-jirkaan Spurs ka tirsan ayaana soo jiitay taageerayaasha kubadda cagta maadaama uu lix sanadood ku qaatay Spurs.

Red Devils waxey diyaarineysaa qiimo dhan 42 Malyan oo Pound, wargeyska El Desmarque ayaana qiraya in wakiilo ka socda kooxda reer England ay bishii lasoo dhaafay wadahadal la qaateen wakiilada xiddiga.

Christian Eriksen sanadkii 2013 ayuu kusoo biiray Spurs, qiimo dhan 12 Malyan oo Pound ayuuna ku yimid White Hart Lane isagoo 21-jir ah, balse hadda wuxuu dareemayaa inuu dhamaaday wakhtigii uu ku lahaa waqooyiga London.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here