Man United oo qorsheeneysa in qiimo qaali ah ay ku soo qaadato Jack Grealish

0
376

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Manchester United ayaa wali ku dhagan inay lasoo saxiixato xiddiga khadka dhexe kooxda Aston Villa ee Jack Grealish, si ay ugu xoojisato weerarkeeda mudada soo socota.

Sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay majaladda Ingiriiska ka soo baxda ee “Mirror”, Man United ayaa qorsheyneysa inay dalab 70 milyan ginni ah u soo bandhigto kooxda Aston, si ay kaga hesho adeega Jack Grealish suuqa xagaaga ee soo aadan.

Kooxda Manchester United ayaa qorsheeneysa in qadkeeda dhexe ay u adeegsato Jack Grealish iyo Bruno Fernandes oo haatan bandhig fiican ka sameynaya safka Red Devils.

Laacibkan reer Portugal ee Bruno Fernandes ayaa ku guuleystay in taageerayaasha Red Devils uu ku qanciyo awoodiisa ciyaareed kulamada uu ilaa iyo haatan ciyaaray, tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Sporting Lisbon.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here