Hernan Crespo oo shaaca ka qaaday magaca xiddigii ka horjoogsaday inuu ku biiro kooxda Real Madrid

0
338

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xiddigii hore xulka qaranka Argantina iyo kooxaha Inter, AC Milan iyo Chelsea ee Hernán Crespo ayaa xaqiijiyay inuu aad ugu dhawaaday ku biirista naadiga reer Spain ee Real Madrid tiro saddex jeer ah, oo labo ka mid ah ay aheyd isagoo ciyaaryahan ah.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Hernán Crespo waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Sanadkii 2002-dii, waxaan joogay kooxda Lazio, aniga iyo Ronaldo waxaan u sharaxneyn inaan matalno naadiga Los Blancos”.

“Real Madrid waxay heshay saxiixa Ronaldo, anigana waxaan u dhaqaaqay kooxda Inter Milan si aan u noqdo badelkiisa”.

“Hadii uu Ronaldo sii wadi lahaa safka Nerazzurri, waxaan heshiis cusub u saxiixi lahaa kooxda Real Madrid”.

“Fursadii labaad ee aan ugu biiri karay kooxda Real Madrid waxay aheyd Janaayo 2009, waana xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Jose Mourinho aan la joogay Inter Milan, Real Madrid ayaa i soo codsatay, laakiin waxay ii soo bandhigeen heshiis Lix bilood oo kaliya ah, sababtoo ah waxaa hor yiilay doorashada madaxtinimo ee kooxda, aniguna taasi ma ogolaanin”.

Intaas kaddib Hernán Crespo ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu helay fursad saddexaad uu aad ugu dhawaaday inuu u dhaqaaqo Real Madrid, balse markaan waxay aheyd si uu tababare ugu noqdo, isagoo tilmaamay inuu u sharaxnaa shaqada caawiyaha Carlo Ancelotti oo xilligaas macalin ka ahaa kooxda, laakiin madaxweynaha Real Madrid ugu dambeyntii wuxuu go’aansaday inuu u magacaabo Zinedine Zidane shaqadan.

Haddaba halyeyga reer Argantina ee Hernán Crespo oo arrintan ka faalloonayay ayaa wuxuu yiri:

“Aynu sheegno in kaasi uu ahaa go’aan cajiib ah.”

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here