Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi oo geeriyooday

0
301

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa shaaciyay in uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee Kenya, Daniel Toroitich Arap Moi.

Sidoo kale wiil uu dhalay Moi oo lagu magacaabo Gideon Moi ayaa sheegay in madaxweyne Moi uu geeriyooday saaka aroortii, waxaana uu ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo xaaladiisa caafimaad lagu la tacaalayay.

Moi oo da’diisu ay ahayd 95 sano jir waxaa uu dalka Kenya Kenya soo maamulayay 24 sano, waxaana uu xilka ka degay sanadkii 2002.

Moi ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagu la tacaalayay dibadda iyo gudaha dalka Kenya.

Madaxweyne Moi oo da’ ah ayaa dhowr jeer la seexiyay isbitaalka Nairobi hospital ee Magaalada Nairobi, waxaana muddooyinkii dambe laga deyrinayay xaaladiisa caafimmaad.

Madaxweyne Daniel Toroitich Arap Moi waxaa uu dhashay 2-dii bishii Sabtembar ee sanadkii 1924, waxaa uu na kana soo jeeda qowmiyadda Kalenjinta ee degta galbeedka wadanka Kenya.

Moi ayaa inta uusan madaxweyne noqonin waxaa uu horay usoo noqday madaxweyne ku xigeen sannadkii 1967-dii, waxaana xilka Madaxweynenimo loo dhaariyay sanadkii 1978.

Kadib dhimashadii madaxweynihii koowaad ee Kenya, Jomo Kenyatta, waxay Moi u ahayd guul siyaasadeed oo uu gaaray, maadama xiligaas ay jireen siyaasiyiin kale oo ku ag hareereysnaa Kenyatta, kuwaas oo uu hanqal taagayay in ay xukunka qabtaan.

Moi ayaa la filayaa in aas qaran loogu sameeyo Kenya maalmaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here