Maalinta Afka Hooyo oo Dunida Laga Xusay

0
288

Baydhabo(Radio Arlaadi)-21 February sanad kasta waxaa loo dabaal dagaa afka hooyo taasi oo qof kasta maalintaasi ay tahay maalin ay ku weyn tahay oo uu ku muujinaayo afkiisa hooyo.
Maalintaani oo lagu weynaynaayo afka hooyo ee maayga ayaa waxaa laga xusay magaalada baydhabo ee xarunta gobolka bay.

Cabdi Nuur Cumar waxaa uu ku sugan yahay magaalada muqdisho waxaa uu kamid yahay dadka usoo dhabar adeegay sidii loo hormarin lahaa afka maayga hada waa bare dhiga afka maayga, waxaa uu sheegay in afka maayga uu soo maray mar xaalado kala duwan hadana uu taagan yahay mar xaaladii sedaxaad.

Macalin Cabdi Nuur ayaa sheegay in hada laqori karo waana lacaqrin karo afka maayga wuxuuna sheegay in hada ay jiraan maclinmiin garayaan ama laheli karo kun maclin taasina ay muujin karto in lagaaray guul weyn.

Inta badan kulamadaan oo kale waxaa looga hadlaa sidii lagu hormarin lahaa afka maayga looguna dari lahaa man hajka waxbarashada dowlad faderaalka soomaaliya madaama dastuurka KMG ah uu qoraayo in af soomaaliga uu yahay may iyo maxaa sidoo kale ay soo racayaan afaf kale oo yar yar.

Mukhtaar Sheekh Aadan Dalmar waa macalin wariye iyo abwaan oo wax badan kawar qabo xaalada qorista iyo ku hadalka afka maayga, waxaa uu ka warbixinayaa sida ugu fudud ee lagu hormarin karo afka maayga.

Warbixintan waxaa noo heya Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here