Kooxda Inter Milan oo fasaxday xiddigaheeda Ajaaniibta ah ee aan Taliyaaniga ahayn

0
222

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Naadiga Inter Milan ayaa go’aansatay dhowaan inay soo afjarto karaantiilka ay ku jiraan ciyaartoydeeda, waxaana ay fasax u siisay ciyaartoyda ajaanibta ah inay ku laaban karaan dalalkooda.

Ciyaaryahankii ugu horreeyay ee dalkiisa u safra waxa uu noqday Marcelo Brozovic, kaasoo aaday magaalada Zagreb ee dalka Croatia oo la dhibaatoonaysa dhul-gariir sababay dhaawacyo ka badan 250 qof.

Sidoo kale, Goolhaye Samir Handanovic ayaa ku laabtay dalkiisa Slovania, halka Deigo Godin iyo Matias Vecino la rajeynayo inay u safraan dalkooda Uruguay.

Nerazzuri ayaa qoshaheeda dhow ka saartay ku soo laabashada tababarka caadiga ah ee kooxda xilligan, balse taas beddelkeeda waxay ciyaartoyda siisay awaamiir ku aaddan inay guriga ku tababartaan.

Si taas la mid ah, Juventus ayaa maanta soo gabagabeyn doonta karaantiilka ay ku jiraan shaqaalaheeda iyo ciyaartoydeeda, hase ahaatee, mid walba waxaa loo ogolaan doonaa inuu keligiis noollaado.

Inkastoo weli aysan xaaladda xasillooneyn, haddana kooxo ay ka mid yihiin Napoli iyo Lazio ayaa diyaar-garow ugu jira inay goor dhow ku soo laabtaan tababarka.

Dalka Taliyaaniga ayaa ka mid ah dalalka uu sida ba’an u saameeyay caabuqa saf-mareenka ah ee Coronavirus, taasoo keentay xaalad cabsi ah oo aan la ogeyn xilliga ay idlaan doonto.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here