Meeqa Milyan oo Euro ayuu Tababare Pep Guardiola kaga qayb qaatay dagaalka lagula jiro Coronavirus?

0
252

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waxaa isa soo taraya haldoorrada kubadda cagta ee ka qayb qaadanaya ololaha lagula dagaallamayo caabuqa coronavirus, waxaana imminka ka mid noqday Tababare Pep Guardiola.

Macallinka Kooxda Manchester City ayaa lacag gaareysa Hal Milyan oo euro ku hagaajiyay hay’adda Angel Soler Daniel Foundation si ay ugu fududeyso adeegyada ay qabanayso si ay ula dagaallamaan feyrus-ka dunida ku faafay ee COVID-19.

Lacagtan ayaa lagu qarash-gareyn doonaa in lagu iibiyo qalabka ka hor tagga iyo la tacaalidda coronavirus, sida Maasgarooyin, gacmo-gashiyo, qalabka neefta, IWM, waxaana hay’adda qalabkaas u qeybin doontaa dhammaan xarumaha caafimaad ee ku yaalla gobolka Catalonia.

Ololahan ka socda gobolka uu ka soo jeedo macallinka Man City ayaa waxaa soo billaabay Col•legi de Metges de Barcelona (COMB), xilli horraan ay ku baxday 33,000 oo euro.

Waxaa intaas lagu sii darayaa in qalabka la iibinayo kaddib, lacagtaan sidoo kale lagu sameyn doono qalab gacan ku sameys ah oo dadka neefta ay dhibto gargaar u noqon kara iyo waxyaabaha kale ee aas-aasiga ah.

Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa isaguna la dagaallanka caabuqa Coronavirus horraan ku bixiyey adduun dhan 1 milyan oo euro.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here