Kooxda Inter Milan oo doonaysa inay bishaan Janaayo dhammaystirto saxiixa Christian Eriksen.

0
316

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa la soo warinayaa inay qorsheynayso inay heshiis ku kacaya afar sanadood kula wareegto laacibka khadka dhexe ee Tottenham Hotspur, Christian Eriksen si ay bishaan Janaayo u dhammaystirto heshiiskan uu ugu wareegayo garoonka San Siro.

Qandaraaska xiddigan reer Danish ayaa dhacaya xagaaga, mana jiraan wax qorshe ah oo looga saxiixayo heshiis cusub, taasoo la macno ah inuu si xor ah uga tagi karo Spurs bisha June.

Si kastaba ha ahaatee tiro kooxo ah oo ay ku jirto Inter Milan ayaa muujiyey inay xiiso u qabaan inay heshiis la gaaraan ciyaaryahanka inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee haatan.

Wargeyska The Guardian ayaa warinaya inay Inter Milan ay la kulantay wakiilka ciyaaryahankan Martin Schoots, isla markaana ay u soo bandhigtay heshiis afar sanadood ah oo ay rajaynayaan inay kula wareegi doonaan Eriksen oo uu dhankooda ku soo biiri doono.

Warbixinta ayaa sheegaysa in kooxda ka dheesha horyaalka Serie A ay sidoo kale bixin doonto lacag dhan 17 milyan oo gini si ay u xaqiijiso addeegiisa 27-sano jirkaan suuqan iibka.

Tababaraha kooxda Inter ee Antonio Conte ayaa la sheegay inuu doonayo inuu qibrad ku soo kordhiyo khadkiisa dhexe suuqa jiilaalka si uu kooxda ugu sii hoggaamiyo halka ugu sarreysa ee horyaalka Serie A.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here