Kooxda Chelsea oo go’aamisay qiimaha ay ku iibineyso N’Golo Kanté

0
242

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxaha Real Madrid iyo Juventus ayaa wada xiiseynaya inay soo qaataan xiddiga qadka dhexe reer France iyo naadiga Chelsea ee N’Golo Kanté xilli ciyaareedka soo socda.

Waxay arrintan timid kaddib markii ay kooxda Chelsea go’aamisay qiimaha ay ku iibineyso N’Golo Kanté, kaddib marka uu furmo suuqa xagaaga ee soo socda, taasoo la micno ah in naadiga reer England ay u furan tahay fikradda ay ku iibineyso xiddigeedan.

Wargeyska “L’Équipe” ee dalka Faransiiska ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Chelsea aysan wax dood ah ka qabi doonin fikrada uu ku baxayo N’Golo Kanté, balse waa haddii ay ku heleyso qiimo gaarsiisan 70 milyan euro, isla markaana aysan ku fasaxi doonin qiimo intaas ka yar.

Yeelkeeda, N’Golo Kanté  ayaa yimid kooxda Chelsea sanadkii 2016, kaddib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah uu ku soo bandhigay kooxdiisi hore ee Leicester City, wuxuuna la soo qaaday horyaalka Premier League.

Radio Arlaadi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here