Kooxda Chelsea oo go’aamisay qiimaha ay ku iibineyso mid ka mid ah xiddigaheeda.

0
264

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa go’aamisay qiimaha ay ku iibineyso mid ka mid ah xiddigaha ay ku heysato garoonka Stamford Bridge.

Saraakiisha kooxda Blues ayaa waxay qorsheenayaan inay iska iibiyaan weeraryahankooda Michy Batshuayi, waxayna go’aamiyeen qiimaha ay kaga iibinayaan kooxaha doonaya adiigiisa.

Chelsea ayaan diyaar u aheyn in 26 jirkan ay markale ku bixiso qaab amaah ah, kaddib markii uu in ka badan hal jeer kaga dhaqaaqay qaab amaah ah sanadihii lasoo dhaafay.

Haddaba wargeyska “The Sun” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda Chelsea ay go’aamisay in qiimo dhan £ 45m ay ku iibiso Michy Batshuayi, haddiiba uu ka tagayo garoonka Stamford Bridge.

Xiddiga ayaa wuxuu bar-tilmaameed u yahay kooxaha Crystal Palace iyo Aston Villa, laakiin waxay u muuqataa inaysan awoodi doonin lacagaha badan ay ku rabto Chelsea inay ku iibiso.

Chelsea ayaa u aragta in qiimaha Michy Batshuayi uu yahay mid macquul ah, sababtoo ah Crystal Palace waxay xiiseeneysaa inay ku iibiso laacibkeeda Wilfried Zaha qiimo dhan ilaa iyo 100 milyan ginni.

Si kastaba ha noqotee qandaraaska uu ku joogo Michy Batshuayi kooxda Chelsea ayaa waxaa kaga harsan mudo dhan hal xilli ciyaareed iyo bar.

Wargeyska “The Sun” ayaa wuxuu sidoo kale soo xigatay warbixino gudaha Talyaaniga  ah ee sheegaya in xitaa kooxda Roma ay xiiseeneyso adeega laacibkan.

Radio Arlaadi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here