Kooxda Borussia Dortmund oo heshiis cusub oo ay mushaharka ugu kordhinayso ka saxiixanaysa Roman Bürki

0
275

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ayaa lagus oo warmayaa inay heshiis cusub oo ay mushaharka ugu kordhinayso ka saxiixanaysao goolhayaheeda Roman Bürki.

Wargeyska SportBild ayaa warinaya in Borussia Dortmund ay ku dhowday inay heshiis cusub oo ku eg illaa sanadka 2024-ka ka saxiixanayso Bürki, kaasoo weliba heshiiskiisana lagu kordhin doono.

Dortmund ayaa qorsheynaysa inay cusbooneysiiso heshiiska Bürki illaa sanadka 2024-ka, isla markaana xiddiga reer Switzerland ayaa aad ugu dhow inuu saxiixo qandaraaska, sida laga soo xigtay Wargeyska SportBild.

Dortmund ayaa Bürki kala soo saxiixatay kooxda Freiburg, waxaana ay ku soo qaateen adduun dhan 3.5 milyan oo euro sanadkii 2015-kii, laakiin goolhayaha koowaad ee  Dortmund ayaa lagu qiimeeyaa adduun dhan 11 milyan oo euro.

Bürki, goalkeeper of the Dortmund: "Ter Stegen is the best ...

Bürki ayaa heshiiskiisa haatan waxa uu ku eg yahay sanadka 2012-ka, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Dortmund ay kordhin doonto musharka goolhayahan 29-sano jirka ah, inkastoo ay jirto dhibaatada Coronavirus.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here