Kooxda Barcelona oo hoos u dhigtay fursad ay kula soo wareegi lahayd laacibka Chelsea ee Willian

0
269

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inaysan jirin wax qorshe ah oo ay ku doonayaan inay kula soo wareegaan ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Chelsea ee Willian inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Isagoo ku guuldarreystay inuu heshiis cusub la gaaro maamulka Blues, Willian ayaa la filayaa inuu si xor ah uga tago garoonka Stamford Bridge dhammaadka sanadkan 2020.

Barcelona ayaa muddo dheer la la xiriirinayay inay dalab ka gudbiso kubbadsameeyahan, kaasoo qiray inuu raadinayo qandaraas saddex sano ah.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Wargeyska Sport, kooxda reer Catalan ayaa xiiseynaysa inay la soo wareegaan ciyaaryahankan 32-sano jirsan doona bisha Agoosto.

Warbixinta ayaa soo jeedinaysa in hoggaamiyeyaasha horyaalka La Liga inay diiradda saarayaan isku daygooda ay ku keenayaan Lautaro Martinez iyo Neymar oo ka kala tirsan Kooxaha Inter Milan iyo Paris Saint-Germain.

Willian ayaa dhaliyey lix gool, isagoo sameeyey lix caawin 35 kulan oo ka soo muuqday horyaalka Premier League iyo Champions League xilli ciyaareedkan.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here