Sadio Mane oo si layaab leh u soo gaba-gabeeyay wararka la xiriirinaya Real Madrid

0
324

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Weeraryahanka xulka qaranka Senegal iyo kooxda kubadda cagta Liverpool ee Sadio Mane ayaa si layaab leh u soo gaba-gabeeyay wararka la xiriirinaya naadiga reer Spain ee Real Madrid.

Mane ayaa wareysi uu bixiyay dhawaantan wuxuu kaga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid ah wararka la xiriirinaya kooxda kubadda cagta ee Real Madrid wuxuuna yiri:

“Ku guuleysiga koobka horyaalka Premier League waa riyadeyda, waxaan doonayaa inaan ku guuleysto koob sanadkan”.

“Haddii aanan ku guuleysan karin koob sanadkan, wax dhibaato ah ma jiri doonto, waan aqbali doonaa sababtoo ah waa qeyb nolosha ka mid ah, waxaan rajeynayaa inaan ku guuleysan karno sanadka soo socda”.

“Way ku adag tahay Liverpool, laakiin waxay sidoo kale ku adag tahay malaayiin dad oo adduunka ah, qaar badan ayaa waayey kuwii ay jeclaayeen waana xaalad aad u xun”.

Haddaba wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa u tixgaliyay hadalada Sadio Mane kaliya inay cadeyn u tahay rabitaankiisa ah inuu sii joogo Liverpool xilli ciyaareedka soo socda, islamarkaana uusan ka fekereynin inuu ku biiro kooxda Real Madrid.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here