Kooxda Arsenal oo hoggaanka u haysa tartanka loogu jiro saxiixa laacibka Chelsea ee William

0
333

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu soo warramaya inay aad u xiiseynayso saxiixa xiddiga naadiga Chelsea ee William, kaas oo ay ku heli karta qaab lacag la’aan ah.

Qandaraaska ciyaaryahanka reer Brazil ee haatan uu ku joogo garoonka Stamford Bridge waxa uu dhacayaa dhammaadka bisha June.

Inkastoo 31-sano jirkaan uu ku faraxsan yahay inuu sii joogo Blues haddana wuxuu doonayaa in ka badan 12 bilood oo qandaraas kordhin ah oo loo soo bandhigo, taasna waxay u saamaxeysaa Arsenal fursad ay kula wareegeyso sida ay qortay Jariiradda ESPN.

“Arsenal wax yar ayay ku horreysaa maanta, laakiin wax walba weli waa furan yihiin,” ayuu yiri Suxufiga la yiraahdo Jorge Nicola.

Iyadoo iminka dunida uu harreeyay caabuqa halista badan ee COVID-19 ayaa haddana kooxaha qaaradda Yurub waxay doonayaan inay soo qaatan xiddig wax tar u leh kooxdooda, sidoo kale kooxaha Yurub ayaa dhaqaalo badan ku waayay xanuunka Coronavirus dartiis, Arsenal ayaa isha ku haysa inay soo qaadato xiddigo waa weyn marka suuqa kala iibsigu dib u furmo.

Kooxda Mikel Arteta ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga reer Brazil ee Willian kaas oo ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan ee ka dheela booska weerarka, Chelsea bixintaanka Willian wuxuu ku noqonayaa mid dhabar jab weyn ku ah safka Tababare Lampard.

Kooxda Tottenham ayaa  isku dayday inay la soo saxiixato Willian sanadkii 2013-kii ayaa sidoo kale isha ku heysa soo qaadashadiisa, halka Liverpool ay sidoo kale suuqa ugu jiraan adeegga xiddigan.

Laakiin rabitaanka Arsenal ee ay ku siinayso ciyaaryahanka reer Brazil heshiis sanado badan ayaa ah mid ay ugu dhowaan karto inay gacanta ku dhigto adeeggiisa, waana sababta hadda loo tilmaamayo inay Gunners ku horreyso tartanka saxiixiisa.

Si kastaba ha ahaatee, xiddigan ayaa kooxda Chelsea ku soo biiray sanadkii 2013-kii, isagoo kaga soo dhaqaaqay naadiga Anzhi Makhachkala, wuxuuna kooxda Chelsea u saftay 226 kulan, isagoo u dhaliyay 33 gool tartammada oo dhan.

Haddii William uu qaato go’aanka uu ugu biirayo Arsenal, waxa uu kooxdaas kula midoobi doonaa daafacii hore ee ay ka wada tirsanaayeen Chelsea, David Luiz.

Xigasho Gool FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here