Jariiradda Tuttosport oo shaacisay haddii Cristiano Ronaldo uu sii joogo doono Magaalada Turin

0
355

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Magaalada Turin ayaa sheegaya in Cristiano Ronaldo uu sii joogi doono Kooxda Juventus ilaa sanadka 2022-ka.

Jariiradda Tuttosport ayaa soo warinaysa in ciyaaryahanka uu ku faraxsan yahay kooxda, isla markaana uusan dooneynin inuu baxo.

Xiddiga xulka qaranka Portugal ayaa ku biiray kooxda Juventus sanadkii 2018; haatan wuxuu u muuqdaa inuu qorsheynayo inuu u sii ciyaaro ugu yaraan afar xilli ciyaareed kooxda Juventus, illaa iyo haatan waxa uu saftay 53 kulan oo Serie A ah, isagoo u dhaliyay 42 gool.

Waxaa jiray warar xan ah oo sheegayay horraantii bishaan inay jirto suurto-galnimo uu dib ugu laaban karo laacibkan Kooxdiisii hore ee Manchester United, laakiin hadda uma badna inuu dhaqaaqo.

Haddii uu go’aansado in Ronaldo uu sii joogo Juve illaa sanadka 2022-ka, waxaan arki doonnaa isagoo 37-sano jir ah oo uu ka dheelaya Magaalada Turin.

Xitaa hadda oo uu jiro da’da 35-sano, Ronaldo waxa uu saxiixay saddexleey goolal ah; waxa uu dhaliyay 25 gool, afarna caawiye ayuu ka ahaa 32-kii kulan ee uu ilaa iyo haatan saftay.

Mar hore, wuxuu diiday inuu meesha ka saaro inuu noqdo tababare, waqtigaan la joogo waa ciyaaryahan Juventus ah, welibana u dhow cutubkiisii ugu dambeeyay ee Talyaaniga.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here