Kooxda Arsenal oo 30 milyan oo euro ugu dhaqaaqeysa soo xero-gelinta xiddig ka ciyaara dalka Spain

0
403

Baydhabo(Radio Arlaadi)-  Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsanayso inay xagaaga u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee kooxda Athletic Bilbao, Unai Nunez.

23-sano jirkaan ayaa 18 kulan u saftay Bilbao intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2019-20, laakiin si joogta ah uma uusan ciyaareyn horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, inta badan waxaa uu fadhiyey kursiga keydka.

Manchester City ayaa loo maleynayaa inay xiiseynayso daafacan, kaasoo kulankiisii ugu horreeyay u saftay xulka Spain bishii Sebtember ee sanadkii 2019.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Jariiradda AS, Arsenal ayaa sidoo kale xiiseynaysa Nunez, waxayna isha ku haysaa inay hubiso saxiixiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagaan.

Arsenal lining up £26m Unai Nunez bid?

Nunez ayaa la rumeysan yahay in heshiiskiisa haatan uu ku joogo San Mames lagu burburin karo adduun dhan 30 milyan oo euro oo u dhiganta 26 milyan oo gini, inkastoo Gunners ay tartan kala kulmi karto Kooxaha Bayern Munich iyo Inter Milan.

Dhanka kale, kooxda Macallin Mikel Arteta ayaa lagu soo warramayaa inay diyaar u yihiin inay dhageystaan dalabyada u imaanaya kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang ka hor xilli ciyaareedka 2020-21.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here