Koox ka ciyaarta Premier League oo diyaar u ah in ay kula dagaalanto Barcelona saxiixa Lautaro Martínez

0
321

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Barcelona ayaa si xoogan u dooneysa inay hesho adeega Lautaro Martínez xagaaga soo socda, si ay kaga dhigato badelka Luis Suarez ee mustaqbalka fog, iyadoo heshiiska weeraryahanka reer Argantina uu ku joogo Nerazzurri lagu burburin karo qiimo dhan 111 milyan euro.

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa qeyb ka soo noqotay kooxaha ku dagaalamaya heshiiska weeraryahanka naadiga Inter Milan ee reer Argantina Lautaro Martínez, marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo socda.

Sida ay baahinayaan warbaahinta gudaha Talyaaniga kooxda Chelsea ayaa waxay bar-tilmaameed ka dhiganeysaa inay la soo saxiixato Lautaro Martínez, kaddib markii uu ku guul darreystay inay gacanta ku dhigto saxiixa weeraryahan cusub suuqa kala iibsiga ee bishii Janaayo.

Image result for lautaro martinez

War sidaha “Standard Sport” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in weeraryahanka kooxda Lyon ee Moussa Dembele uu yahay bar-tilmaameedka ugu horreeya ay Chelsea dooneyso inay la soo wareegto xagaaga soo aadan, sidoo kale weeraryahanka RB Leipzig ee Timo Werner.

Laakiin wararka ka soo baxaya gudaha Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in Chelsea ay qeyb ka soo noqotay loolanka loogu jiro Lautaro Martínez, iyadoo maamulka Blues ay gacanta u galiyeen Frank Lampard 150 milyan ginni si loogu xoojiyo safka kooxda xilli ciyaareedka cusub.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan, maadaama ay kooxda Chelsea xiiseeneyso adeega ciyaaryahan kale ee cusub oo qaali ah, waa inay fasaxdo xiddigaha Marcos Alonso iyo Emerson Palmieri.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here