Ancelotti oo rajeeyay in Liverpool aan loo caleemo saarin hanashada Premier League kulanka Everton ee ka dhacaya Goodison Park

0
332

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Macalinka kooxda kubadda cagta Everton ee Carlo Ancelotti ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay maanta kula ciyaari doonaan naadiga Crystal Palace horyaalka Premier League.

Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen kulanka ay wajahayaan Crystal Palace, sidoo kale xilli ciyaareedka horyaalka Ingiriiska iyo in Liverpool ay ku sii dhawaaneyso ku guuleysiga Premier League xilli ciyaareedkan muddo gaaban gudahood.

Ancelotti ayaa xaqiijiyay in Liverpool uu hogaaminayo macalinka reer Germany ee Jurgen Klopp, loo caleemo saari doono hanashada Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, sababa la xiriira natiijooyinka wanaagsan ee kooxda iyo farqiga weyn ee u dhaxeeya iyaga iyo Manchester City, kaasoo gaarsiisan 22 dhibcood.

Liverpool ayaa si rasmi ah ugu guuleysan karta horyaalka Premier League kaddib 6 kulan wixii hada ka dambeeya ah, haddii ay wada guuleysato dhamaantood wax saameyn ah kuma yeelan doonto Man City.

Reds waxaa loo caleemo saari doonaa hanashada koobka horyaalka Premier League, kulankooda lixaad ee hadda kaga bilaabmi doono, wuxuuna ku beegan yahay ciyaarta ay Everton ku booqan doonaan garoonka Goodison Park.

Carlo Ancelotti oo arrintan ka hadlayay ayaa wuxuu yiri:

“Liverpool waxay ku sii socotaa inay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan”.

“Laakiin ma rajeynayo in loogu caleemi saari doono garoonka Goodison Park, waxaa jira garoomo kale ay sidaas ku sameyn karaan”.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here