Kongereeska Maraykan oo u Codeeyey in Trump Xilka laga Qaado

0
345

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii saddexaad ee Mareykan ah oo ay xilka ka qaadaan aqalka wakiilada ama Kongreska Mareykanka.

Trump ayaa xil ka qaadistiisa waxaa loo gudbinayaa aqalka sare ama Senetka, kaas oo go’aanka kama dambeysta ah ka gaari doona xil ka qaadistiisa.

Kongreska ayaa u codeeyay laba dembi oo kala ah in Madaxweyaha uu ku takri falay awoodda xafiiska iyo in uu ka tallaabsaday sharciga Mareykanka.

Labada arrimood ayaa ahaa ah kuwa salka ku haya arrimo xisbi, oo waxaa inta badan xildhibaanada Dimuqraadiga ay isku raaceen xil ka qaadista Trump halka xisbiga uu ka tirsan yahay ee Jamhuuriga na ay kasoo horjeedsteen.

Codeynta ayaa dhacday xilli madaxweyne Trump uu ka qeybgalayay olole doorasho.

Waxaa uu dadkii isugu soo baxay Battle Creek ee Michigan uu u sheegay ” in isagoo ku hawlan shaqo abuurista Michigan ay Kongreskana ku mashquulsan yihiin naceyb iyo in ay ka xun yihiin waxa uu sameynayo”.

War qoraal ah oo ka so baxay aqalka cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu aad ugu kalsoon yahay in aqalka sare ay meesha ka saari doonaan xil ka qaadista ay u codeyeen Kongreska.

Aqalka sare ama senetka ayaa waxaa ku badan xildhibaanada Jamhuuriga ee Trump, waxaana la aminsan yihiin in ay meesha ka saari doonaan xil ka qaadista ay Trump ku sameyeen Kongreska.

Madaxweyne Trump ayaa ku eedeysan “qiyaano qaran” iyo in dhiggiisa Ukraine uu ku cadaadiyay sidii uu baaritaan ugu sameyn lahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo horay uga soo shaqeeyay shirkadda gaas-ka ee Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here