Isku Aadka Semi-finalka Carabao Cup Oo La Soo Saaray Man United vs Man City

0
356

Isku aadka semi-finalka Carabao Cup iyadoo kulan weyn oo xiiso badan uu ka soo baxay markii qoorta la isku geliyay kooxaha reer Manchester ee United iyo City.                  Manchester United ayaa wareegii sideeda ka soo gudubtay kooxda Colchester United ka dib markii ay 3-0 ku soo xaaqeen. United ayaa seddex gool ku dhalisay 10 daqiiqo gudaheed ee qeybtii labaad ee ciyaarta. Marcus Rashforr iyo Anthony Martial iyo gool uu iska dhaliyay Ryan Jackson ayay United ku badisay.

Man City ayaa iyagana dhankooda ka soo talaabsaday kooxda Oxford United oo ay 3-1 uga badiyeen. Cancelo ayaa hogaanka u dhiibay ka hor inta uusan Matt Taylor u barbareyn kooxda Oxford, laakiin Raheem Sterling ayaa labo gool uu dhaliyay guusha ugu xaqiijiyay.

Leicester City ayaa iyadana u soo gudubtay wareega afar dhamaadka markii ay rigoore 4-2 kaga badiyeen kooxda Everton iyagoo 90kii daqiiqo ee ciyaarta isku dhaafi waayay barbaro 2-2 ah. Leicester City waxay semi-finalka isku soo aadeen kooxda Aston Villa oo habeen hore 5-0 kaga soo badisay kooxda Liverpool ee da’ yarta u badneyd.

Isku Aadka Semi-finalka:

Man United vs Man City

Leicester City vs Aston Villa

wareega semi-finalka waxaa la ciyaari doonaa isbuuca ka bilowda 6da Janaayo halka lugta labaad la dheeli doono isbuuca 27ka bisha Janaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here