Iskuulada Degmada Baydhabo oo laga bilaaway dhigista Manhajka Cusub ee dhawaan loo qeybiyey.

0
319

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee KGS Jabriil Maxamuud Aadan iyo Qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda ayaa kormeeray iskuulada ku yaala Magalada Baydhabo kormeer kaasoo u jeedkiisu yahay u kuurigalida waxbarashada iskuulada ee buugagta manhajka Wasaaradaa Waxbarashada KGS Ee dhawan uqeybisay Iskuulada Deegaanada Koonfur Galbeed.

Kormeerka ayaa waxaa wasiir kuxigeemka kuweheliyey qaar kamid ah shaqqalaha Wasaaradda Waxbarashada oo ay ku soo mareeyn iskuulada mujacmaca, model , al-macrifa ,Alqalim,ramadaan ,sahal ,daarusalaam, macmuur ,Macruuf, abdalla deerow iyo kuwa kale oo ku yaalaa Degmada Baydhabo.

Kormeerka kadib ayaa waxaa warbaahinta lahadlay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare KGS Mudane Jabriil Mahamuud Adan waxaan uu sheegey inay muhiim tahay Xoojinta Tayada Waxbarashada Caruuta Reer Kg, wuxuuna adkeeyey in dhamaan iskuulada hoos tagaan wasaarada waxbarashada kg in ay heli donaan taageero dhab ah sidoo kale ardaydaasi ay u helaan waxbarasho ku filan.

Radio Arlaadi:- Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here