Aubameyang oo balan qaad adag u sameeyay Taageerayaasha kooxda Arsenal.

0
319

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Kabtanka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sheegay inuu wali daacad u yahay Gunners, isla markaana uu doonayo inuu ka caawiyo ku guuleysiga koobab iyo inay markale dib ugu soo laabataan wadada guulaha.

Kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 10-aad ee horyaalka Premier League, kaddib 21 kulan laga ciyaaray, waxayn 9 dhibcood u jiraan kaalinta afaraad ee loogu soo baxo tartanka Champions League.

Haddaba Kabtanka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Dadka waxay jecel yihiin qorista sheekooyinka, waxay u baahan yihiin inay diirada saaraan waxa ka dhacaya garoonka, dadka wax badan ayey hadlaan waliba si xad ka bax ah”.

“Waxaan ahay kabtanka Arsenal, waana jeclahay kooxdan, wey iga go’antahay oo waxaan leeyahay rabitaan ah inaan ku celiyo Arsenal booskii ay u qalantay ee fiida sare ah”.

Yeelkeede, Pierre-Emerick Aubameyang ma uusan kordhin qandaraaska uu kula jiro kooxda Arsenal, madaama qandaraaska uu ku joogo Gunners uu dhacayo xagaaga 2021.

Xiddiga reer Gabon ee Aubameyang ayaa ku yimid garoonka Emirates bishii Janaayo ee 2018, heshiis rikoordh ah ee gaarsiisnaa 56 milyan ginni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here