Harry iyo Xaaskiisa oo iska casilay xilkii ay boqortooyda u hayeen.

0
309

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Harry iyo Meghan ayaan haatan laga bilaabo sii isticmaali doonin jagadii ay ku lahaayeen boqortooyada, sidoo kalana ma heli doonaan dhaqaalihii ay ku heli jireen magaca boqortooyada.

Lamaanahaan ayaan sidoo kale si toos ah u matali doonin boqoradda. Waxaana looga fadhiyaa iney magaan lacag dhan £2.4m taasi oo lagu dayac tiray gurigooda ku yaalla UK.

Arrintan ayaa dhaqan geli doonta xilliga guga ee sannadkan, sidaasi waxaa sheegay boqortooyada.

Warbixintan ayaa ku soo beegmeysa ka dib markii Isniintii ay boqoradda wadahadal la yeelatay lamaanaha oo ay kala hadashay mustaqbalkooda.

Lammaanaha ayaa horay u shaaciyay iney doonayaan iney ka fariisanayaan xilalka heerka sare ah ee ay u hayaan Boqortooyada iyo iney qeybinayaan waqtiyada ay ku noolaayaan UK iyo Canada.

Go’aanka ay gaareen ayaa dhaliyay su’aalo badan oo ku aaddan qaabka uu noqon doono dowrka ay ku leeyihiin qoyska Boqortooyada UK.

Boqoradda ayaa sheegtay ka dib bilooyin ay socdeen wadaxaajoodyo oo ay ka mid ahayd tii ugu dambeysay ay si wada jir ah isugu afgarteen iney taageero u fidiso wiilka ay ayeeyda u tahay iyo qoyskiisa.

Bishii October ee sannadkii hore, Meghan ayaa dacwad ku soo oogtay wargeyska lagu magacaabo Mail On Sunday ka dib markii uu daabacay in si sharciga ka baxsan ay u shaacisay mid ka mid ah warqadaha sida khaaska ah loogu soo diray. Wargeyska ayaa difaacay qaabka uu u baahiyay sheekadaasi.

Amiir Harry ayaa lambarka lixaad uga jira liiska kala horeynta ee dhaxalka kursiga Boqortooyada, waxaana ka horreeya Amiir Charles, Amiir William iyo saddexda canug ee uu dhalay.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here