Guddiga Qaran ee ka hortagga COVID-19 oo Baydhaba gaarsiiyay agab caafimaad

0
323

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Guddiga Qaran ee ka hortagga cudurka COVID-19 ayaa maanta Baydhabo gaarsiiyay agab caafimaad oo loogu talagalay in lagula tacaalo cudurka COVID-19 sida ay qortay Wakaaladda Wararka Somaaliyeed ee SONNA.

Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan Guddiga Qaran ee loo xilsaaray cudurka COVID-19 ayaa agabkan ka qaaday Muqdisho iyagoo gaasiiyay magaalada Baydhabo, agabka ayaa isugu jiray Dawooyin iyo qalabka looga gaashaanto cudurka.

Guddigan oo ay hoggaaminayeen Mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gabagabeeyaan u kuur galidda goobaha uu maamulka Koonfur-galbeed u asteeyay in lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here