Graeme Souness Oo Magacaabay Kooxda Man City Kula Tartami Doonta Premier League Xilli Ciyaareedka Cusub.

0
114

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Graeme Souness ayaa daaha ka qaaday saadaalintiisa horyaalka Premier League xilli ciyaareedka cusub xilli Arsenal, Manchester United iyo Liverpool ay doonayaan inay soo afjaraan awooda Manchester City.

Man City ayaa ku garaacday horyaalka premier League Arsenal iyaga oo ku guulaystay horyaalka premier League markii 3-aad oo xidhiidh ah.

Gunners ayaa haatanba suuqa galisay lacag dhan 200 milyan oo euro xilli ay isha ku hayaan in ay mar kale ku tartamaan horyaalka premier League xilli United iyo Liverpool la filayo in ay horumariyaan xilli ciyaareedkoodii hore.

Souness ayaa Man City u saadaaliyay ku guulaysiga premier Legaue xilli ciyaareedkii 4-aad oo xidhiidh ah laakiin ay Arsenal ku tartami doonto horyaalka mar kale.

“Uma malaynayo in Premier League noqon doono mid hal koox u awood sheegato laakin waxa aan qabaa in ay Man City mar kale ku guulaysan doonto premier League”Souness ayaa yidhi.

“Waa kooxda ugu awooda badan, waxa ay haystaan xiddigaha ugu fiican ee aan ku arkay Premier League sababta oo ah dhismaha ayaa ah mid sax ah”.

“Waxay haystaan tababaraha ugu fiican kaas oo ah mid khibrad leh, sidoo kale waxa ay haystaan xiddigaha ugu fiican, mar walbana waxa horyaalka ku guulaysta kooxda haysata xiddigaha ugu fiican laakiin waxa Man City mar kale kula tartami doonta Arsenal”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here