Dibad baxyo ka dhan ah Iran oo ka socda Tehran.

0
284

Baydhabo(Radio Arlaadi)-  Boqolaal dibad baxayaal ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka Tehran, kuwaasi oo ka soo horjeeday diyaaraddii Ukrainian ee ay soo riday Iran.

Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale soo buux dhaafiyey laba jaamacadood, waxaana markiii dambe kala eryay boliiska oo u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa.

Waxa ay ku dhawaaqayeen dibad baxayaasha xukuumadda ha dhacdo, madaxweynaha ha is-casilo, waa in caddaaladda la hor keenaa dadkii ka dambeeyey in ay soo dhacdo diyaaraddii rakaabka.

iran ayaa qiratay shalay in si aan ula kac ahayn usoo riday diyaaradda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa taageeray dibad baxayaasha, kuna tilmaamay mid ay ku muujinayaan shucuurtooda.

Diyaaradda ay lahayd Ukrain oo nambarkeedu ahaa PS752, ayaa ku sii jeeday magaalada Kyiv, waxaana saarnaa 176, iyadoo dhammaan dadkaasi ay dhinteen.

Radio Arlaadi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here