Maxaa keena Af-qurunka?

0
402

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Cudurka ilka xanuunka waa cudur  noocyo badan leh  oo intooda badan ay ku dhax wareeraan bulshada  maadaama  afka ku dhici karaan cudur kala duwan taasi oo qeyb ka ah cirid xanuunka waxaana waxa yaabaha sababa cudurkan infakshan  ku dhaca ilkaha radio arlaadi ugu warbixyey dr cabadigadir cabdi xasan oo kamid ah dhagatiirta  magalada bayadho.

Sidoo kale waxa dhaqtarku tilmaamey in laga hortagi karo ilka xanuun iyadoo lagu dadaaleyo nadaafada afka oo dhan iyadoona la cadeysaneyo ugu yaraan maalintii seddax jeer oo haween iyo maalin ah .

Dhanka kale waxa uu bulshada fariin ugu diray in ay ku dadaalan nadaafad ilkaha iyo in ay isticmaalaan cunada wax tarka u leh.

Af-qurunka ma laha wax xuduud ah, umana kala sooco dadka da’dooda, noocooda iyo xaaladooda dhaqaalaba, intaa waxaa sii dheer in af-qurunku u keeno qofka niyad jab aad u daran taasoo keensanaysa in qofku ka fogaado dadka iyo la hadlakoodaba, xitaa uusan u sheeganin dhibaatadiisa dhakhaatiirta.

Badanaa niyad jabkaan waxay ka dhalata in dadka qaba af-qurunka aysan dareemi karin dhibaatada haysata illaa ay ka ogaadaan dad kale. kadibne ay keensanayso in ay ka go’aan bulshahda kana doorbidaan kalinnimada.

Af-qurunku ceeb ma ahan waana cudur la mid ah cudurrada kale, kumana xirna nadaafad darro waxaana muhiimsan in qofka  dhakhtar u tag una sheeg waxa uu dareemeyo.

Radio Arlaadi:-Rahma Salaad Abdullahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here