Dhegeyso:-Dad barakacyaal ah oo cabasho ka muujinaya xaaladooda nololeed.

0
476

Waxaa sii kordhaya dadka ku Barakacaya baydhabo ayadoo ay ka imaanayaa degaano ku teedsan degmada baydhabo kuwaas oo siyaabo kala duwan uga soo barakacayey deeganadooda qaarkood waxaa ay kuu sheegayaan in ay usoo barakaceen sababo amaan hadda waxaa ay sidoo kale ka muuqataa daruuf ay gaajo udheertahey .

Halkan waa kaamka eesow oo ku yaala duleedka magaalada baydhabo waxaa ku nool 306 qoys oo dhamaantood ka soo barakacey degaano ku yaala gobolka baay  Aadan macalin Xassan waa gudoomiyaha kaamka Eesow ee magaalada baydhabo waxaa uu Radio Arlaadi Ugu waramey xalaada guud ee kaamka iyo baahiya ka jira

Farxiyo Abdi Xassan waa hooyada  qoys ka kooban 7ruux oo ay ayadu ku jirto wxaana ay nolol maalmeedka qoyska ka soo saartaa miis yer oo ay kaamka dhexdiisa ku gado kaas oo ay ka hesho halka waqti ee qoyska dabkiisa la shido waa tan ayadoo sharxeysa .

Maamulka koonfurgalbeed iyo Hay’ado caalami ah ayaa wada dadaalo lagu caawinayo dadka so barakacey sidoo kale waxaa socda dadaalo dib looga dejinaayo mana jirto  ifafaalo ku muujinaayo howlahaas oo idil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here