Dhageyso:Wasiirka warfaafinta kg oo Baydhabo tababar uga furey wariyaasha ka howlgaa deegaanada kg.

0
363

Wasaarada warfaafinta iyo wacyi-galinta koonfur galbeed ayaa waxaa maanta magalada baydhabo tababar ugu furta qaar kamid ah wariyaasha ka howlgalaan gobolada baay’ bakool iyo shabeelaha hoose.

Tababarkaan ayaa waxaa soo qabqaabisay wasaarada warfaafinta KG, waxaana uu socon donaa mudo shan maalin ah, waxaana lagu baran donaa aqoon karorsi oo ku saabsan kor uqaadista tayada wariyaasha.

Xasan Cabdi Maxamed Wasaarada warfaafinta iyo wacyi-galinta koonfur galbeed oo tababarka furay ayaa waxa uu sheegay in wasaarada kaalin weyn ay ka qaadan doonto tayeenta warbaahinta iyo wariyaasha KG.

Wasiirka ayaa sheegay in 28 wariye tababarkaan muda shanta maalin qaadan donaan in ay ku canfaci donaan dalka iyo dadkooda ayna gaarsiin donaan wariyaasha kale ee fursada u helin in ay tababarkaani ay ka qeyb qataan.

Tababarkaani ayaa waxaa uu noqon donaa midkii labaad ee laba bilood gudahooda ay qabato wasaarada warfaafinta iyadoo u qabaneyso wariyaal ay ka kal imadeen degmooyinka gobolada koonfur galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here