Dhageyso:-Xeriyaha Barakacyaasha Degmada Waajid ee Gobalka Bakool oo ka jira baahiyo dhanka nolosha ah.

0
330

Degmada waajid ee gobolka bakool ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ay kusugan yihiin boqolaal qoys ee kasoo barkacay degmooyinka kale ee katirsan gobolada koonfur galbeed gaar ahaneyd gobolada baay iyo bakool iyo kuwo kale oo ay ka imadeen dalka itoobiya, dadkaan ayaa intooda badan degmada waajid waxaa ay soo gareen 2017 oo dalka soomaaliya ay ka dhacday abaartii loo bixiyay siman, iyagoo qaar kamid ah si yaabooyin kala duwan ay uga soo tageen degaanadooda si ay u helaan nolashii ay ku nolayeen mid ka duwan.

Xasan aadan dhagaale waxaa uu horjooge ka yahay kaamka towfiiq ee degmada waajid waxaa uu idaacada arlaadi u sheegay in kaamkiisa ay ku nool yihiin dad aad u liita kuwaasi oo u baahan in lagarab istaago, wuxuuna sidoo kale sheegey in labo bilood oo isku xigta aysan helin wax gar gaar ah.

Waxaa lagu gudi jiraa xili robeed inta badan kaamamka waxaa kadhalanayaan cuduro kala duwan kuwaasi oo inta badan ay sameyaan dadka dada ah iyo carruurta dadooda ay ka yartahay shanta sano cali aadan mursal oo kamid ah odiyaasha ku nool kaamka towfiiqi ee degmada waajid ayaa sharxayaa dhibaatada iyo cudurada halista leh ee ka dhalan karaan kaamkaani.

Kaamka towfiiq ee degmada waajid waxaa ku dhaxyalaa mid kamid ah iskuul ay wax kubartaan carruurta ku nool kaamkaasi waxaana si isxil qaan ah ku dhisay maamulka kaamka towfiiq in kastoo aysan dhimaystirneen agabka waxbarashada hadana waxay ku qasbanadeen in carruurtaani wax lagu baro sida uu inoo xaqiijiyay Aadan cali kuulow oo ah maamulaha iskuulkaani.

Cabdulaahi yariisow waa gudoomiyaha degmada waajid ee gobolka bakool waxaa uu kahadlayaa dhibaatada guud ee kajirta degmada sidoo kalena waxaa baaq udiray hay’adaha kashaqeyaan arimaha bini’aadinimada inay il gaar ah uyeshaan shacabka ku dhibaataysan degmada waajid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here