Dhageyso:-Guddiga Gurmadka Fatahaada Degmada Xuddur oo kulan la qaatay Hay’adaha Samafalka oo ka howgala Magaalada Xuddur.

0
322

Gudiga Gurmadka Fatahaada ee degmada xudur ee xaruunta gobalka bakool ayaa waxey kulan la qaateen hay,adaha samafalka ee ka howlgala degmadaasi, waxaana kulanka inta uu socday aad loogu falan qeeyey habka ugu sahlan ee loo caawin karo dadka fatahaada saameysay, gudiga ayaa sheegey in inka badan 2000 qoys oo  degan xaafada buulow ay yihiin kuwa si aad ah u saameeyey fatahaada roobkii deyrta, waxeyna hay,addaha iyo maamulka degmada xudur isla garteen in si dhow u wada shaqeeyaan isla markaana gurmad deg deg ah lala garo dadka degan xaafada buulow iyo kuwa ka soo barakacay, waxaa kala go,ay isku socodka xaafadaha magaalada xudur, dadka  degan xaafada buulowna ma awoodaan in ay ka soo adeegtaan suuqyada magaalada xudur fatahaada awgeeda.

Kulanka kadib ayaa Warbaahinta la hadlay Cabdirisaaq Isxaaq Saajin oo xubin ka ah gudiga gurmadka fatahaada degmada xudur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here