Dhageyso:- Wasaradda Arrimaha Gudaha dowladaha Hoose Iyo Dib-uheshiisiyinta Dowlad Goboleedka KGs oo Baydhabo kullan looga hadlayay isku keenida Bulshda Iyo Dowladda ugu qabatey Agaasimiyaasha Guud ee wasaradaha KGS.

0
387

Kullanka ayaa  looga hadlayay isku keenida Bulshda Iyo Dowladda waxaana soo qaban qaabisay Wasaradda Arrimaha Gudaha dowladaha Hoose Iyo Dib-uheshiisiyinta Dowlad Goboleedka KGS, kaasi oo loo qabtay Agaasimiyaasha Guud ee wasaradaha KGS, waxaana ka soo qeyb galeen maamulka degmada iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyntii ayaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikoole, wuxuuna sheegay in wasaaradaha ay kala shaqeyn doonaan isku keenida bulshada iyo wasaaradaha.

Shirka inta uu socday ayaa lagu falan qeeyey qaabka ugu wanaagsan ay iskula shaqeyn doonaan Bulshada loo adeegeyo iyo dowlada gaar ahaan wasaaradaha loo xilsaaray u shaqeyn bulshada koonfur galbeed.

Waxaana ugu dambeyntii Agaasimaha Guud ee wasaarda Arrimaha Gudaha dowladaha Hoose Iyo Dib-uheshiisiyinta Dowlad Goboleedka KGS Mustaf Sheikh Cabdullahi Adaf ayaa sharaxay ujeedada ugu muhiimsan ee shirkan loo qabtay agaasimiyaasha koonfur galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here