Dhageyso:- Olalaha Qaliinka isku Furanka Haweenka Oo Lagu daahfurey isbitaaka Guud ee Gobolka Baay.

0
346

Olalaha Qaliinka isku Furanka Haweenka ayaa waxaa Lagu daahfurey isbitaaka Guud ee Gobolka Baay, Waxaa Fududeynaya Wasaaradda Caafimaadka KGS iyo Hay’adaha Warda iyo MSF, Haween ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Baay ayaa ka faaiideysan doona Olalaha Qaliinka iskufuranka Oo isbitaalku Fulinayo,Waxaana loo Tababarayaa dhaqaatiirta fulin doonta Qaliinada iskufuranka.

Furitaanka Mashruucan ayaa waxaa kaqeybgaley Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka,iskuduwaha Caafimaadka Gobolka, iyo madaxda hay’adaha Fulinaya Mashruucan.

Agaasimaha Guud ee Cisbitalka Wey nee Gobalka Baay Cabdifataax ibraahim iyo iskuduwaha Caafimaadka Gobalka Baay Cabdirashid ayaa sheegeen in markii ugu horeysay yahay ololahaan waxeyna  sidoo kale sheegeen in muhiimad gaar ah u leeyahy Cisbitalka, ayna kula dardaarmeen dadka la baraya in ay ka faaideystaan.

Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Dowlad Gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Cusmaan Cabdi Muuse ayaa si toos ah u furay Ololaha Daaweynta isku furanka oo gobalka Baay laga fulin doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here