Dhageyso:- Wariyaal ka shaqeeya Magaalada Baydhabo oo Maanta Tawabar loo furay.

0
357

Tawbarka ay soo qaban qaabisey wasaarda warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada dowlad goboleedka Kgs iyo  UNSOM ayaa maanta magaalada baydhabo  lagu qabtey waxana loo qabtey dhamaan wariyaasha ka howlada magaalada baydhabo iyo gobolada koonfur galbeed  somaliya.

Tawbarka ayaa waxaa kasoo qeyb galey Agaasimaha wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta bulshada Kheyre Ali  iyo gudoomiyaha ururka suxufiyiinta koonfur galbeed Muxidiin Hassan Mohamed {Xusni} Agaasimaha Tv Konfur galbeed soomaaliya

Ugu Horey waxaa tawbarka dahfurey gudoomiyaha ururka suxufiyiinta kgs Muxidin Hasan Xusni waxa uu sheegey ujeeda tawbarka looga qabtey wariyaashan

Agaasimaha Wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta bulshada Kgs Kheyre Ali  Ayaa furintaanka tawbarka ka sheegey in wariyaasha tawbarkan loo qabtey ku shaqeyn doonaa waxaa ay ka barteen arimaha xaquuqda aadanaha.

Dhanka kale  qaar ka mid ah wariyasha tawbarka loo qabtey ayaa ka warbixiyey dareenkooda iyo sida ay u arkaan tawbarkan ku saabsan Arimaha xaquuqda bani’aadanimada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here