Dhageyso:- Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Lagu Soo Dhoweyey Degmada Barawe ee Caasimada Koonfur Galbeed

0
335

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen oo gaaray Degmada Baraawe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Somaliya.

Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Baraawe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Baraawe kusoo dhaweeyey Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hormarada, waxbarashada iyo kaabiyaaha adeegyada bulshada, wuxuuna sidoo kale tilmaamey in dowlada ay u guuri doonta degmada baraawe ee gobalka shabeelada hoose.

Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa kamid ah,guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye,Wasiirka dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo mas’uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here