Dhageyso:-Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday qorsho looga hortagayo fatahaada biyaha.

0
290

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inay soo laab laabteen fatahaadaha uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Hiiraan,isla markaana loo baahan yahay in laga hortago.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya,iyada oo la kaashaneysa Dowladaha deriska ah inay la imaaneyso qorsho looga hortagayo fatahaada Wabiga maadaama dibaatooyin farabadan ay ka dhashaan.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay noqdaan kuwa is cafiya sidoo kalena is caawiya.

Madaxweynaha ayaa shalay Gelinkii dambe waxaa uu booqday Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan,halkaas oo badi dadkii deganaa ay ka barakaceen kadib fatahaada Wabiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here