Dhageyso:-Mid ka mid ah beelaha dega deegaanada koonfur galbeed oo maanta malaaq ay ku caleema saareen magaalada Baydhabo

0
279

Malaaq Hassan Ibraahim Qalinle ayaa maanta caleema saarkiisa ka dhacdey baydhabo waxana munasabad Caleema saarka ka Qeyb galey Malaqo,Xillibaano,Wax garad,haweenka iyo dhalinyarada.

dhamaan martida ayaa si isku mid aha waxey ug hambaliyeyen malaaqa cusub iyagoona  kula dardaarmeyn inuu ka shaqeyo Arrimah Digil iyo Mirifleh.

Malaaqa maanta la caleemasaarey ayaa waxa uu  sheegey in uusan  keligiisa wax qaban Karin oo ay la shaqeeyaan bulshada iyo beesha ay dooratay.

Malaaq beeleedyada koonfur galbeed ayaa waxaa laga sugayaa in ay soo doortaan  xildhibaanada golaha wakiilada koonfur galbeed taasi oo socota  qorshaha soo xulista xillibanada konfur galbeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here