Dhageyso:- Shir Looga Hadlayey Xoojinta Xiriirka Wada Shaqayn ee Dowlad Goboleedyada Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed oo Maanta Baydhabo Ka Dhacay

0
310

Shirkan oo looga hadlaayey xoojinta iyo wada shaqeynta labadda dowlad gobaleed ee koonfur galbeed iyo hirshabeele ayaa waxaa lagu qabtay xaruunta madaxtooyada koonfur galbeed ee magaalada baydhabo, waxaana si wada jir ah shirkan u dahfuray labadda madaxweyne ee Cabdicasiis xasan maxamed laftagareen iyo Maxamed Cabdi Waare.

Shirka ayaa waxaa yimid markii madaxweynaha hirshabeele iyo xubno ka tirsan dowladiisa ay magaalda baydhabo u soo gaareen sanad guuradii 1aad ee tan iyo markii la doortay madaxweynaha koonfur galbeed oo ku beegneyd 19 ka bisha 12aad ee sanadkan,inta uu shirka socday ayaa waxyaabaha loogu hadlay ka mid ahaa amniga, arimaha fatahaadyada, ganacsiga iyo arimo kale, waxaana ugu dambeyntii laga soo saaray warmurtiyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here