Dhageyso:-Maareeye Ku Xigeenka Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud Oo Kormeeray Qaybo Ka Mid Ah Garoonka.

0
358

Maareya ku xigeenka ceelboorka magaalada beydhabo maxamed sheikh cabdulaahi ayaa kormeer ku sameyey qeybaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha Shaati gaduud, qeybaha uu booqdey ayaa ahaa kuwa dhawaan dayactir lagu sameeyey si sara looga qaado tayada iyo bilicdad garoonka, howlaha dayactirka ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu hergelinaayo oo ay wado wasaarada gaadiidka hawada iyo duulista ee maamulka koonfur galbeed .

Wax yaabaha lagu soo kordhiyey ceelboorka magaalada beydhabo ee xaruunta gobolka baay waxaa ka mid ah kaamirooyinka lagu xiro derbiyada si loo xaqiijiyo Aamaanka guud ee ceelboorka iyo dayactirka taawarka laga hago diyaaradaha iyo waxyaabo kale.

maareya ku xigeenka ceelboorka beydhabo maxamed sheikh cabdulaahi  ayaa ka warbixiyey howlaha dayactirka oo ay dhowaan ka hirgelisay wasaarada gaadiidka duulista hawada dowlada gobaleedka konfur galbeed

Wasarada gadiidka duulista iyo  hawada ayaa mudooyinkii uga dambeeyey  dayactiro dib u habeyn ah  ka waday qaar ka mid ah goroomadaha dowlada goboleedka koonfur galbeed somaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here