Dhageyso:- Maamulka Cisbitaalka Tiirow Ee Magaalada Baydhabo oo deeq daawo ah gaarsiiyey dadka Barakacyaasha ku nool duleedka baydhabo

0
325

Cisbitaalka Tiirow ee Magaalada Baydhabo ee xaruunta gobalka baay wuxuu ka mid yahay cisbitalada ka howlgala magaalada baydhabo, mudooyinkaan dambe waxay ka shaqeyneyeen u gargaarida dadka barakacyaasha ah oo ay gaarsiiyeen daawooyin ay ugu tala galeen dadka ku xanuunsaneya xeiyaha barakacyaasha ee duleedka magaalda baydhabo, wuxuuna sidoo kale deeq daawo ah u direen dadka ku nool degmada Bardaale ee gobalka baay oo saameyn ku yeeshay fatahaada roobabkii ka da,ay deegaanada koonfur galbeed.

Dr Muxdiin Maashow Tiirow wuxuu ka mid yahay howlwadeenada maamulka cisbitalkaasi wuxuu radio Arlaadi ugu warbixyey daawooyinka ay dadka barakacyaasha u qeybiyeen, sidoo kale wuxuu fariin u diray bahda caafimaadka ee gobalka baay si ay u soo caawiyeen dadka ku xanuunsaneya kaamamka maadaama aysan awoodin, ayna tagi karin cisbitaalada lacaga lagu bixyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here