Dhageyso: Gudoomiyaha Ururuka Naafada KG Oo Sheegay In Horumaro ay gareen Bur Burkii kadib Naafada KG.

0
334

3 Oktoobar 2018 Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay saxiixday Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Dadka Naafada ah ama dadka qaba baahiyaha gaarka ah , iyadoo sidaa ku noqotay dowladda 178-aad ee Axdigaasi saxiixda.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasiin ayaa  sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta xuquuda dadka naafada ah iyo weliba sidii loo horumarin lahaa adeegyada ay helaan.

Wasiir Deeqa Yaasiin ayaa markii ay Axdigaasi saxiixday kaddib waxa waxaa si weyn isu bedelay dhibaatooyinkii ama in ay Meesha ka baxdo in dadka baahiyaha gaarka ah qaba in ay wayaan Xaquuqdooda.

Gudoomiyaha ururka naafada koonfur galbeed Muqtar Cali Isxaaq oo kahadlaayay naafada koonfur galbeed xaaladooda labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa uu sheegay in maamulkooda iyo xaquuqdii ay ku lahayeen dowlada faderaalka soomaaliya iyo mida maamulka koonfur galbeed wax weyn iska bedelay kawar qabkooda iyo in ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Gudoomiyaha ayaa sheegay hada marka laga hadlaayo xaquuqda aadanaha in ay yihiin kuwo laxasuusan oo meelkasta lagu xuso magacooda taasina ay keentay in ururka naafada soomaaliyeed ay galaan Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Dadka Naafada ah.

Halka Hoose Ka Dhageyso Codka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here