Dhageyso: Hay’ada Maardo Oo degmada Xudur ka Dahfurtay Mashruuca ilaalinta Raasamaalka Aadanaha Ee Baxnaano.

0
291

Hay’ada maardo oo ah hay’ad ka howlgasha degaanada koonfur galbeed ayaa mudo seeded sano ah ay ka shaqeynasay degmada xudur ee xarunta gobolka bakool ayaa waxaa degmada xudur ay ka furtay mashruuc socon doono mudo hal sano ah ilaa iyo 2021 kaasi oo ah mashruuca ilaalinta raasamaalka aadanaha ee baxnaano.

Kulankaan lagu dahfuraayay mashruuca baxnaano ayaa waxaa ka soo qeyb galay kusimaha gudoomiyaha gobolka bakool kan degmada xudur masuulin katirsan hay’ada maardo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada xudur.

Madaxda mashruuca baxnaano ayaa waxay shegeen in mashruucan loogu faa’ideyn doono carruurta heysa nafaqo yarida iyo sidii loo daryeeli lahaa.

Mudadii sedeedka sano ahayd hay’ada maardo ka howlgalaysay degmada xudur iyo degaanada kale ee katirsan ayaa waxay ka qeyb qaadatay ama ay badbaadisay dadka danta yar iyo carruurta u baahan nafaqada iyo baahiyaha kale.

Maxamed Macalin Axmed gudoomiyaha degmada xudur ayaa dhamaan maamulka NGO maardo ugu mahadceliyay shaqooyinkii ay kasoo qabatay degmada xudur, wuxuuna sheegay in weli ay diyaar u tahay inay wax kaqabatay arimaha bini’aadinimada ee ka taagan guud ahaan gobolka bakool.

Cabdulaahi Maxamed Nuur (Snek) gudoomiye kuxigeenka gobolka bakool ayaa ku amaanay NGO’ ga Maardo in ay kusoo dhiiratay xili hay’adaha kale ay dideen in ay ka shaqeyaan degmada xudur oo xiligaasi ay ka jireen xaalado adag oo dhanka amniga ah, wuxuuna soo dhaweeyay mashruuca baxnaano kaasi oo wax weyn ka tari doono degmada xudur.

Cabdulaahi aadan sar sar madaxa hay’ada maardo ayaa waxaa uu sharxay mashruuca ilaalinta raasamaalka aadanaha’ waxaana uu sheegay in wax qabadkooda uu san aheyn wax kaliya afka laga sheegay waxaa cadeyn karaa maamulka degmada shacabka iyo wax yaabihii hay’ada maardo ay kasoo qabatay degmada xudur.

Halka Hoos Ka Dhageyso Codka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here